Heemaal News Network

Dhalinyaro loo Xir-xiray Dibad-baxyadii Baledweyne Oo Maanta la Horkeenay Maxkamad.

Waxaa maanta markii ugu horeysay Maxkamad la horgeeyay lix dhalinyaro ah oo maalmahii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsiga Hay’adda Nabad-sugida gobolka Hiiraan oo ku yaala gudaha xerada Lamagalaay ee magaalada Baledweyne.

Dhalinyaradan maanta lasoo taagay Maxkamada Madaniga gobolka Hiiraan ayaa kala ah 3 Wiil iyo 3 Gabdhood kuwaas oo mudo dhowr maalin ah u xiran Hay’adda Nabad-sugida.

Dhalinyaradan ayaa lagu eedeyay iney ka dambeyeen kicin dadweyne iyo abaabulka banaanbaxyo looga soo horjeedo maamulka Hirshabeelle oo ka dhacay magaalada Baledweyne, inkastoo ay dhalinyaradan iska fogeeyeen eedeynta lagu soo taagay maxkamada maamulka Hirshabeelle ee la xariirta kicinta dadweyne.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in guddoomiyaha Maxkamadda Madaniga ee gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Taakooy uu dhalinyaradan u jaray warqad xabsi xalaaleyn ah oo loogu gudbinaayo Xabsiga dhexe ee Baledweyne.

Dhalinyaradan lagu eedeyay kicinta dadweyne ayaa dib loogu celiyay xabsiga Nabad-sugida Baledweyne, waxaana dhalinyaradaasi xiran ku jirta Hooyo lagu magacaabo Xamdi Cilmi Loos oo ah Xaamilo bilaheeda dhamadeen lagana cabsi qabo iney ku dhex umusho xabsiga.

Related posts

Muuse Biixi Oo Qaabilay Suldaanka Guud Ee Beelaha Isaaq

Heemaall

Maxkamada Banaadir Oo Go’aan ka Gaartay Dacwado U Dhexeeyay Shirkadda Favori iyo Ururka Shaqalaha Ee FESTU.

Heemaall

Itoobiya iyo Sudan Oo Qarka U Saaran inay Ku Dagaalamaan Xadka.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More