Heemaal News Network
somali

Dhalinyaro Somali ah Oo kamid Noqday Dadkii ku Barafoobay Xadka Turkiga iyo Gariiga

Xadka ay wadaagaan dalalka Turkiga iyo Gariiga waxaa qabow dartiis ugu geeriyooday 19-qof oo tahriibayaal ah, waxaana labada dal midbo midka kale ku eedeeyay masuuliyada dhimashada dadkaasi.

Dadka ku geeriyooday xadka Turkiga iyo Gariiga waxaa kamid noqday labo wiil oo Soomaali ah kuwaa oo baxay dalka Turkiga kuna sii jeeday dalka Gariiga si au uga sii gudbaan wadamada kale ee Yurub.

Labo wiil oo Soomaali ah oo magacyadooda lagu soo gaabiyay Abuubakar iyo Yaxye ayaa kamid noqday dadka ku dhintay qabowga barafka xoogan ee ka da’ay xadka ay wadaagaan Gariiga iyo Turkiga.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in dad kale oo Soomaali ah ku jiraan dadka ku dhintay qabowga barafka, waxaana socda baaritaano ay meydadka ku sameenayaan ciidamada booliiska dalka Turkiga.

Soomaali badan oo tahriib ugu sii jeeday dalka Turkiga ayaa ku dhintay biyaha iyo xadka u dhaxeeya wadamada Gariiga iyo Turkiga, tahriibayaashan dhintay ayaana ujeedkoodu ahaa in ay tagaan qaarada Yurub si ay nolol wanaagsan halkaasi uga helaan.

Related posts

Khilaaf ka Dhax-qarxay Dowladda Nigeria iyo Shirkadda Twitter.

Heemaall

Shaqaaqo Hadhaysay Maanta Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Puntland Oo Sheegtay Inay U Gurmanayso Dadkii Ku Hanti Beelay Dabkii Suuqa Hargeysa

Heemaall