Heemaal News Network
somali

Dr Adna Oo si Adag Uga Hadashay Dhaqaatiir ku Dhoodtay Baasaboorka Somaliland Oo Muqdisho Laga soo Celiyey.

Dowlada Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka celisay Shaqaalo caafimaad oo ku safrayay Paasaboorka Somaliland kuna socday Kenya .

Shaqaalahan oo ahaa labo dhakhtar oo ka mid ah Isbitaalka Dr. Adna Aadan oo u socday dalka Kenya kana tegey Hargeysa ayaa lagu xiray Muqdisho oo ay Transit ku sii ahaayeen.

Xubnahan oo 3 maalin Xamar ku xanibnaa ayaa maanta loo tarxiilay Magaalada Hargeysa waxaana la sheegay in laga jeex jeexay Passportka Somaliland ee ay ku safrayeen.

Dr Adna oo shir jaraaid ku qabatay magaalada Hargeysa ayaa cambaareysay falkaas lagula kacay shaqaalaheeda oo ay ku tilmaantay mid hareer marsan shuruucda caalamiga ah ee garoomada dayuuradaha.

Waxay kaloo ku eedeysay dowladda Soomaaliya in Shaqaallaha ay dhibaateysay, isla markaana Visaha Kenya ay heysteen.

“Maalin walba waxaa madaarka Hargeysa Transit ku mara dad badan oo wata baasaboorka Somalia, waxba lama yeelo si xushmad leh ayaa loola dhaqmaa, safarkoodana ay u sii wataan, waa nasiib daro dhibaatada loo geystay shaqaalaheena oo aan u socon Muqdisho, balse ku aha transit oo kaliya” ayey tiri Dr. Adna.

Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka garoonka aadan cadde ayaan ka hadlin dhacdadan.

Related posts

Wasiiro Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Dowlada Somaliya Oo Ka Hadlay Doorashadii Somaliland

Heemaall

Madaxweyne Biixi Oo la Kulmay Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Heemaall

Borama:-Hayadaha Bisha-cas Iyo Laan-qayrta cas Oo Qabtay Xuska Maalinta Gargaarka Deg-dega Ee Aduunka.

Heemaall