Heemaal News Network
somali

Dhex-dhexaadin Cusub Oo Laga Dhex Bilaalabay Farmaajo Iyo Rooble.

Guddoomiyaha baarlamanka waqtigiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan, Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor iyo wasiiro ka tirsan xukuumada dhexe ayaa bilaabay dadaalo cusub oo xal loogfu raadinayo khilaafka ka dhex aloosan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Sida Wararku nagu soo gaarayaan Guddoomiye Mursal iyo Wasiirada ayaa marka hore la kulmay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo sidoo kale kulan saacado socday la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha.

Mursal iyo Qoorqoor ayaa markii dambe ku haray Ra’iisul Wasaaraha, waxaana kulanka ka baxay Wasiiradii kale oo qeybta ka ahaa dhexdhexaadinta

Waanwaanta cusub u kala dab-qaadida labada dhinac ayaa weli ah mid bilow ah oo illaa hadda aysan ka soo bixin wax natiijo ah, sida ay sheegayaan ilo ku dhow kulamada oo beri halkooda ka sii socon doona.

Related posts

Akhriso:-Qowmiyadaha ay kasoo kala jeedaan Golaha Wasiirada Ee Abiy Ahmed Iyo Xubno Mucaarad ah.

Heemaall

Taalibaan Oo War kasoo Saartay Haween Xaamilo ah Oo Lagu Eedeeyay inay Dileen

Heemaall

Qoraalka Mudo-kordhinta Farmaajo ah Oo Golaha Shacabka loo Qeybiyay (Akhriso Qoraalka)

Heemaall