Heemaal News Network
somali

Dhimasho Iyo Dhaawac ka Dhashay Roob ka Da’ay Hargeysa.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa roob xoogan waxaa uu ka da’ayay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland, waxaana khasaaraha ka dhashay roobka faah faahin ka bixisay Somaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa sheegay in Roobkii ka da’ay Gobolka Maroodi-jeex uu sababay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed, isla markaana Aaga Dooxa Jaleelo uu hal qof ku dhintay, sidoo kalena Guryo farabadan uu roobka burburiyay.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen Roobka, sidoo kalena Gaadiid farabadan ay qaadeen Biyaha roobka, kuwaas oo qaarkood uu sheegay in laga soo badbaadiyay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa ugu baaqay Shacabka inay ka fogaadaan Goobaha biyo mareenadaha si aysan waxyeelo u soo gaarin markio uu da’o roobka.

Magaalada Hargeysa ayaa inta badan roobka ka da’a waxaa ka dhasha waxyeelo xoogaan maadaama magaaladanay tahay mid ay ku hareereysan yihiin Buuro dhaadheer, isla markaana Biyaha ay kusoo rogmadaan.

Related posts

Mudaharaado ka Dhan ah TPLF Oo ka Dhacay Magaalooyin Wawayn Oo ku Yaala Itoobiya.

Heemaall

Jigjiga:-Masuuliyiin U Hanjabay Xubno ay Ka Saareen Xisbigooda Shalay.

Heemaall

Xildhibaano Caawa Gurigiisa ku Booqday Xassan Shiikh Maxamuud.(Sawirro)

Heemaall