Heemaal News Network
Caalamka

Dhinacyada ku Dagaalamaya Liibiya Oo Ogolaaday Xabad-joojin Sadaxda Cisho Ee Ciida

Xabbad-joojinta ay wada gaareen dhinacyada ku dagaalamada dalka Liibiya, taasoo socon doonta muddada saddexda casho ah ee ay socdaan dabaaldegga Ciidul Adxa.

Qaramada Midoobay ayaa soo dhawaysay xabad joojintan ay wada galeen dowladda Liibiya ee ay taageerto iyo hogaamiyaha fallaagada Janaraal Khaliifa Xaftar, taasoo dhaqan-gashay 15:00 waqtiga maxalliga ah ee Sabtidii islamarkaasi-na socon doonta ilaa gelinka dambe ee Isniinta.

Janaraal Xaftar ayaa ogolaaday xabbadjoojinta si muwaadiniinta Liibiya ay nabadgalyo ugu dabaaldegaan maalmaha ciidda, sida uu sheegay afhayeenka Xafter md Axmed al-Mesmari.

Ciidammada Xaftar ayaa tan iyo bishii Abriil weerraro ku haya magaalada caasimadda ah ee Tripoli, waxaana ku dhimatay in ka badan 1,000 qof sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka.

Sikastaba ha ahaatee xabad joojintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa waqti shaqaalo ka tirsan QM lagu dilay weerrar lagu gaystay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo Sabtidii ka dhacay magaalada Benghazi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More