Heemaal News Network

Dhismaha Biyo Mareeno Waa-weyn Oo Mudo kadib Laga Bilaabay Magaalada Muqdisho.(Sawiro)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada dhismaha biyo qabad weyn oo loogu tala galay in xal loogu helo biyaha roobka ee fadhiista qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah iyo laamiyada magaalada Muqdisho.

Biyo qabadkan oo laga hergilanayo dhabarka danbe Dugsiga 21 octobar ee Degmada Waaberi ayaa loogu tala galay in ay kusoo dhacaan Biyaha ka yimaada wadooyinka qaar ee Degmooyinka, Howlwadaag, Hodan iyo Waaberi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Gobolka ayaa maanta soo kormeeray biyo qabadkan dhismihiisu socdo.

Cumar Filish ayaa balan-qaaday in maalmaha soo socda marka la dhameeyo biyo-qabadkaan uu culeyska ka dagi doono Magaalada, isaga oo sheegay in Maamulka ay ka go’an tahay isku tashi iyo in xal loo helo Caasimada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saameyn xoogan maalmahan ku yeeshay roobka da’aya , waxaana wadooyinka magaalada buux dhaafiyay biyo aad u badan halka wadooyin badan oo magaalada kuyaala ku bur bureen biyaha roobka.

Related posts

Khasaaraha ka Dhashay Ciyaartii Shalay ka Dhacday Hargaysa Oo la Shaaciyay.

Heemaall

Mulkiilaha Xisbiga Wadani Oo si Wayn Loogu soo Dhaweeyay Hargaysa.

Heemaall

Somaliland Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Lix Qof

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More