Heemaal News Network
somali

Dibad baxayaal Careesan Oo Dab-qabadsiiyay Xarun Baarlamaanka Liibiya.

Dibad baxayaal careesan ayaa xoog ku galayd dhismaha xarunta Baarlamaanka dalka Libya ee kutaalla Magaalada Tobruk, waxa ayna dibad baxayaasha dab qabadsiiyeen dhismaha xaruntaasi ay ku shiraan Baarlamaanka.

Dadka banaan baxa dhigayay oo u badnaa dhallinyaro ayaa ka careesnaa xaalada siyaasadeed iyo is mari-waaga dalkooda ka taagan iyo sidoo kale sicir bararka iyo xaaladaha kale ee adag ee ka jira dalkooda.

Warbaahinta dalka Liibiya ayaa ku warantay in dibad baxayaasha careesan ay galeen kadibna dab qabadsiiyeen xarunta Baarlamaanka, waxa ayna warbaahinta sheegeen in xarunta aysan joogin xildhibaano xilliga la gubayay.

Muuqaalo laga soo qaaday xarunta Baarlamaanka Libya oo gubaneysa ayaa sidoo kale la arkayay dhallinyaro careysan oo hor dhooban afaafka hore ee dhismahaasi, iyagoo markaasi taayaro gubaya.

Banaan baxayaasha ayaa ku baaqay in dalka ka dhacdo doorasho deg deg ah si wax looga qabto sicir bararka iyo dhibaatooyinka kale ee dhinaca nolosha ah ee xilligan ka jira gudaha dalka Libiya.

Related posts

Maraykanka Oo Cunaqabatayn Dheeraad Ah Ku Soo Rogay Ruushka

Heemaall

Farmaajo Oo Taliye Cusub U Magacaabay NISA Fahad Yasin-na Xil-sare U Magacaabay

Heemaall

Dawlada Jabuuti Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Xariga Taliyaha Booliska Iyo Masuuliyiin kale

Heemaall