Heemaal News Network

Dibad baxyo Looga soo Horjeeday Shirkii Musharaxiinta Muqdisho Oo ka Dhacay Gedo.

Waxaa maanta degmooyin katirsan gobolka Gedo ka dhacay banaan baxyo looga soo horjeeday shirkii magaalada Muqdisho ku yeesheen Musharaxiinta Madaxweyne ee kasoo horjeeda Farmaajo iyo War Murtiyeedkii ay soo saareen.

Banaan baxyadan ka dhacay degmooyinkan katirsan gobolka Gedo ayaa waxaa soo abaabulay maamulka taabacsan dowlada federaalka ee ka arimiya gobolka Gedo kuwaa oo shacabka ugu baaqay in ay banaan baxan kasoo qeyb galaan.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay hadalo ka dhan ah Musharaxiinta kasoo horjeeda Madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale baaqoodii ahaa in ciidamada dowlada laga soo saaro gobolka Gedo.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowlada Federaalka Cusmaan Nuur Macalimow oo la hadlay dibad baxayaasha ayaa dad xanuunsan ku tilmaamay musharaxiintii ku shiray magaalada Muqdisho soona saaray War Murtiyeedka.

” Musharaxiinta ku shiray magaalada Muqddisho waa dad xanuunsan, waxaa madaxda dowlada ugu baaqayaa in dadkaasi isbitaal geyso hadii ay waalan yihiina ay geyso xabsi lagu dhaqan celiyo ” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Gedo.

Musharaxiinta ku shiray magaalada Muqdisho ayaa war murtiyeed ay soo saareen waxaa ku jiray qodob ay ku dalbanayeen in dowlada federaalka gobolka Gedo kasoo saarto ciidamo ay si sharci daro ah u geesay.

Gobolka Gedo oo maamul ahaan hoostaga maamulka Jubbaland ayaa waxaa hada gacanta ku haya maamul hoos yimaada dowlada federaalka kuwaa oo gobolka ka fuliya awaamiirta Dowlada kana soo horjeeda maamulka Jubbaland ay hoostagaan.

Related posts

Xabad Joojin Loogu Baaqay Dhinacyada ku Dagaalamaya Itoobiya.

Heemaall

R/W Rooble Oo Hay’adaha Ambiga ku Amray Wax ka Qabashada Dilkii Gudoomiyihii Hodan.

Heemaall

Afghanistan Oo Dib Wadahadalo Ula Bilowday Kooxda Taliban.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More