Heemaal News Network
somali

Dibadbax Xoogan Oo ka Hor Bilowday Madaxtooyada Suudaan.

Dibad-baxayaal kumanaan gaaraya ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee madaxtooyada caasimadda Suudaan ee Khartuum iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah dowladda

Dadka ayaa ku eedaynaya dowlada waxqabad la’aan dhibaatada haysata dhaqaalaha.

Dibadbaxa ayaa waxaa ku baaqay siyaasiyiin lala xiriiriyay xubno sarsare oo ka tirsan milateriga oo diiddan nidaamka xukun madani ah loogu wareejinayo awoodda dalka.

Kooxda isugu jirta milateriga iyo rayidka ayaa waxa ay wadaagayeen awoodda labadii sanadood ee la soo dhaafay ee xigtay markii xilka laga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir

Ra’iisul wasaare Cabdalla Xamdook waxa uu Jimcihii sheegay in Sudan ay dhibaato wayn ku dhexjirto, waxa uuna ku celceliyay sida ay uga go’antahay sidii loo heli lahaa qaabkii dalka lagu gaarsiin lahaa doorashooyin dimuqraadi ah.

Sikastaba ha noqotee dibadbax looga soo horjeedo midka maanta dhacay ayaa waxa lagu baaqay in la qabto Khamiista kaas oo lagu taageerayo xukunka madaniga ah.

Related posts

Musharax Prof. Caayeeye Iyo Musharaxa Ku Lamaan Oo 10 Xafiis Furtay

Heemaall

Golaha Amaanka Oo Ka Digaya Dagaal Ka Dhaca Itoobiya

Heemaal

Galmudug Oo Beenisay Qoraal Caawa Lagu Baahiyay Warbaahinta Dowlada Somaliya.(Akhriso)

Heemaall