Heemaal News Network

Dibu Dhac ku Yimid War-Murtiyeed Laga soo Saarayay Shirka Dhuusamareeb.

Iyadoo la filayay in maanta ilaa caawa War murtiyeed laga soo saaro Shirkii Madaxda Dawladda Somalia iyo Maamul goboleedyada ayaa caawa lagu wargaliyay saxaafada inay iska dareeraan, uuna dib u dhacay War murtiyeedkii shirkaas ka soo bixi lahaa.

Warar hoose ayaa sheegay inaan wali isfaham dhameystiran laga gaarin arrinta gobolka Gedo iyo arrimo kale oo horey la iskugu maan dhaafsanaa inkastoo qodobada qaar isfaham laga gaaray sida ay sheegayeen warar maanta soo baxay.

Arrintani ayaa baajisay qorshe Madaxwaynaha Somalia uu galabta dib ugu laaban lahaa Muqdisho.

Rajada maanta la qabay ayaa ahayd in guddiyo ka shaqeeya War-murtiyeedka la isku raacay, balse saacadihii ugu danbeeyay ayaa la sheegay iney wax isbedaleen.

Madaxda ku shirsan Dhuusamareeb ayaa la soo sheegayaa iney caawa yeelanayaan kulamo kale, si xal looga gaaro waxyaabaha weli aan laga heshiisin ee khuseeya arrimaha doorashooyinka.

Related posts

Puntland Oo Xabsiga Dhigtay Ganacsato Diiday Isticmaalka Shillin Somaliga.

Heemaall

Turkiga Iyo Maraykanka Oo Mar Kale Ay Ka Dhex Qaraxday

Heemaal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulamo ka Bilaabay Garoowe.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More