Dibu-dhaca Magacaabista Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed Oo Walaac Laga Muujiyay.(Sawiro)

Musharaxiinta iyo qaar kamid ah xildhibaanada Maamul Goboleedka Koofurgalbeed ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca ku imanaya magacaabista doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.

Kulan maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeybgalay Musharax Madaxweynaha Koofurgalbeed Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah musharax u taagan qabasahda xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay qaar ka mid ah xildhibaanada Koofurgalbeed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda maamulkaas.

Muqtaar Roobow oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa waxa uu walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid Magacaabista Guddiga doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed oo aan la magacaabin weli,iyadoo ay soo dhowaatay xilliga doorashada.

Hase yeeshee Musharax Muqtaar Roobow ayaa dhowaan wasaarada amniga dowlada federalka qoraal ka soo baxay lagu sheegay in uusan ka qeybgali karin doorashada Koofurgalbeed,Hase yeeshee illaa hadda waxa uu ku adkeysanayaa Muqtaar Roobow oo xilal kala duwan ka soo qabtay Al-Shabaab inuu ka qeybgalayo doorashada.

Sidoo kale qaar kamid ah xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dib u dhinaca ku yimid magacaabista Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ku dhaliilayaan Madaxa Koonfur galbeed oo ay sheegeen inuu ka meer meerayo magacaabida gudigaas.

© Heemaal News Netwok