Heemaal News Network

Diiwangelinta Musharixiinta Madaxweynaha Iyo Kuxigeenka Hir-Shabeelle Oo Bilaabatay

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa Maanta oo Axad ah ka bilaabatay diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa, iyada oo musharixiin la diiwaangeliyay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Xildhibaan Caaisho Khaliif Xaaji Maxamed aya Guddoonsiiyay Shahaadada Diiwangalinta Maxamed Maxamuud Cabdulle (M dheere) oo u sharaxan Jagada Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale Guddiga oo weli wada howlaha diiwangelinta ayaa waxaa la filayaa inay diiwaangeliyaan musharixiin kale oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa.

Maalinta Berito ah Gelinka dambe ayaa waxaa la soo geba-gabeyn doonaa diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa, iyada oo Maalinta Arbacadaha ahna ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa.

Related posts

Sarakiisha Tigreeyga Oo soo Bandhigtay Maxaabiis Ciidan Oo Ay ka Qabteen Eriteria

Heemaall

Soomaliya Oo Ka Noqotay Taageeradii Ay U Muujisay Itoobiya Dagaalka Tigreega

Heemaal

Qorshaha Trump Ee Somaliya Kahor Inta Uuna Xilka ka Degin Oo la Shaaciyey

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More