Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay deegaanka lagu magacaabo Mareerguur uu ka dhacay dil aad looga fajacay oo loo geystay nin dhimirka ka xanuunsanaa.
Marxuumka dhimirka ka xanuunsanaa ee xalay lagu dilay deegaanka Mareerguur ayaa lagu magacaabi jiray Timajilic Haareey waxuuna ahaa qof xanuunsan oo geed ku xiran kaasoo si weyn looga yaqiinay deegaanka Mareerguur ee gobolka Galgaduud.
Ciidamada Ammaanka ee Xarunta Gobolka Galgaduud oo hawlgal ugu baxay goobta uu dilku ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay Aabbe iyo Wiil uu dhalay oo lagu eedayay in ay dileen Wiilkooda oo dhimirka ka Xanuunsanaa, kaasoo Xalay Degaanka Mareergur lagu dilay.
Dilka Marxuumka dhimirka ka Xanuunsan ayaa looga shakisan yahay Aabbihiis Haareey Jaamac iyo Wiil la dhashay Marxuumka oo lagu Magacaabo Gallad Haareey.
Lama oga sababta ka dambeysa dilka ninkan dhimirka ka xanuunsana oo waliba ahaa ruux geed ku xiran, waxaana arintaasi ay fajac iyo layaab ku noqotay shacabka deegaankaasi.