Diqsigii Caanka Noqday Ee Khalkhaliyey Doodii Madaxweyne Ku Xigeenada Maraykanka

Haddii cabbirka guusha laga garan og yahay baraha bulshada, doodda madaxweyne-ku-xigeennadu waxay ahayd mid aan loo tartamin, cidda guusha heli doonta.

In kasta oo ay murashixiinta dedaal badan muujiyeen, haddana dadki internetka waxaa ka mashquuliyey wixii ay ku hadlayeen hal cayayaan oo aan la filaynin.

Martidaas ku cusbayd qorshihii doodda oo ahaa duqsi yar, ayaa ka mudnaaday hadalladii siyaasadaysnaa ee goobta la isku dhaafsanayey

Qiyaastii laba daqiiqo, duulimaadkiisi ayuu duqsigaasi ku degay madaxa madaxweyne-ku-xigeenka Mike Pence oo wuxuu noqday caan durba dhanka internet-ka.

Weedha ah “duqsi” waxaa lagu qoray barta Twitter-ka 700,000 jeer tan iyo markii uu soo ifbaxay intii ay dooddu socotay.

Ololaha Joe Biden ayaa si buuxda uga faa’iideystay tan, isaga oo diiwaangeliyey halhays ah “flywillvote.com”, halka sawirka murasha Joe oo haysta qalabka la isku eryo cayayaanka duula uu helay wax ka mid Shan boqol oo Like.
Duqsigu wuxuu mideeyay dadka labada dhinac ee soo kala horjeeday, iyadoo hal qof uu ku tilmaamay “geesi Mareykan ah” mid kalena uu ku qeexay “malaha waxa ugu xusuusta badan ee dhacay”.

Lataliyihii hore ee Aqalka Cad Kellyanne Conway ayaa ku baaqday in duqsigala siiyo warqad codbixin ah, halka Senator-ka Jamhuuriga Rand Paul uu kula kaftamay inay cadeyn u tahay basaasnimo.

Qaamuuska Merriam-Webster-na wuxuu ku dhawaaqay erayga “duqsi” inuu ku soo kordhayay degelkiisa.

Mike Pence iyo Kamala Harris ayaa isku wejahahay doodda kaliya ee madaxweyne ku xigeennada ee ololaha doorashada Mareykanka.

Isweydaarsiga hore ee doodda waxaa hadheeyay ka hadalka dhibaatada coronavirus. Senator Harris ayaa sheegtay in jawaabta maamulka Trump ee fayraskaas ay noqotay fashilkii ugu weynaa ee soo mara taariikhda madaxtinnimada ee dalkaas.

Halka Madaxweyne ku xigeen Pence uu ku eedeeyey inay wiiqeyso kalsoonida shacabka ee ku aaaddan soo saaridda tallaalkii fayraska.
Xigasho BBC

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy