Heemaal News Network

Diwaan-galinta Murashixiin Xilka Madaxweynaha iyo M/Ku xigeenka Hir-Shabeelle Oo Socota Wali.(Sawiro)

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ka lagu soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa.

Diiwaangelinta oo shalay bilaabatay ayaa waxaa la diiwaangeliyay ilaa Afar Musharax oo kala ah, Siihayaha xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe & Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo u sharaxan Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Waxaa dhinaca kale Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ay diiwaangeliyeen laba musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweyne kuxigeenkia Hir-Shabeelle, kuwaas oo kala ah , Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed & Maxamed Maxamuud Cabdulle (M dheere)

Maanta ayaa la soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle iyo kuxigeenkiisa, waxaana Maalinta berito ah la dhageysan doonaa khudbadaha musharixiinta, halka Maalinta Arbacadaha ah ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa.

Related posts

Ilhaan Cumar Oo si Adag U Cambaareysay Burburinta Israel ka Bilowday Dhulka Falastiin

Heemaall

Qaraxyo Is-xigay Oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay Oo ka Dhacay Degmada Balcad

Heemaall

Swan Oo Maanta Ku Sii Jeeda Degmada Jowhar

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More