Heemaal News Network
somali

Diyaarad ay Kahaayeen Ciidamada Itoobiya Oo ku Dhacday Garoonka Diyaaradaha Xudur.

Diyaarad nuuca qumaatiga u kaca oo la sheegay in ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa ku bur burtay garoonka diyaaradaha magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool .

Dad ku sugan magaalada Xudur ayaa sheegay in ay arkeen diyaarada ciidamada Itoobiya oo ku dhaceysa garoonka diyaaradaha magaalada Xudur.

Lama sheegin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay shilkan diyaaradeed ee ka dhacay Xudur, lamana oga sababta keentay shilkan diyaaradeed.

Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Itoobiya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaan wali ka hadlin shilkan diyaaradeed ee maanta ka dhacay garoonka Diyaaradaha Xudur.

Related posts

Gudoomiyahii Doorashada Hirshabeele Oo Xilkii Laga Qaaday

Heemaall

Rooble Oo Vila Somalia Ku Waafaqay Qaadacaada Heshiiska Shidaalka

Heemaall

Midowga Musharaxiinta Oo Taageeray Go’aankii Rooble Dalka Uga Eryay Madeira

Heemaall