Heemaal News Network
somali

Diyaarad siday Gaadiid Ciidan Iyo Mootooyin ka Dajisay Magaalada Baledweyne.(Sawiro)

Magaalada Baladweyne ee caasimada gobolka Hiiraan ayaa la gaarsiiyay gaadiid nuuca ciidamada iyo mootooyin loogu tala galay in ay ku howlgalaan ciidamada booliiska ee ka howlgala Baladweyne.

Diyaarad magaalada Muqdisho ka qaaday gaadiidkan oo ah nuuca loo yaqaan Cabdi Billaha iyo mootooyinka ciidamada isticmaalaan ayaa la gaarsiiyay magaalada Baladweyne waxaana lagu wareejiyay taliska booliiska Hiiraan.

Wasaarada Amniga dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegtay gaadiidkan iyo mootooyinka la gaarsiiyay magaalada Baladweyne ku hool geli doonaan Taliska booliiska Gobolka Hiiraan.

Magaalada Baladweyne ayaa la filayaa in dhawaan ka dhacdo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka, waxaana duleedka magaaladaasi jooga ciidamo hubeesan oo kasoo horjeeda Hirshabelle iyo in doorasho ka dhacdo magaalada Baladweyne.

Related posts

Erdogan Oo Xariga ka Jaray Masjid Dhismihiisa Muran Badan ka Taagnaa.(Sawirro)

Heemaall

Xisbiyada Mucaaridka Ismamulka Somalida Itoobiya Oo War kasoo Saaray Dibu Dhigista Dorashada.

Heemaall

Dhalin-yaro Xidhay Funaanado Lagu Xardhay Hiiraan State Oo Lagu Xir-xiray Jowhar.

Heemaall