Heemaal News Network
somali

Diyaaradaha Dagaalka Ee Itoobiya Oo Maanta Duqeeyay Caasimadda Tigray Ee Mekele

Diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ayaa maanta duqaymo ka fuliyay magaalada Mekelle ee xarunta gobalka Tigray, sida uu baahiyay Telefishinka Tigray ee ku hadla afka Kooxda TPLF.

Duqeyntan ayay kooxda TPLF sheegeen in loogaystay goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, iyagoo sidoo kale sheegaya in duqeyntani ay ka dhasheen khasaare Naf iyo maalba isugu jirta.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya warkan ay baahisay kooxda TPLF.

Dowladda Itoobiya wali kamaysan hadlin warkan kasoo baxay kooxda TPLF,balse war ay goordhawayd baahiyeen Telefishinada ku hadla afka dowladda ayaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya ay kooxda TPLF ka qaadi doonto tallaabada ku haboon.

Dagaalka u dhaxeeya Itoobiya iyo TPLF oo billowday Arbacadii lasoo dhaafay ayaa maanta galay maalintiisii saddexaad, iyadoo dagaalkuna uu kusii fidiyo haatan qaybo kamid ah degaanka Canfarta oo deris ay yihiin gobolka Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda waxay sheegaysaa in dagaalka markan uu ka wayn yahay kii hore, iyadoo Ciidamada Itoobiya ay sheegayaan inay ka gortagayaan wax kasta oo khalkhal galinaya amniga iyo xasiloonida ka jirta dalka Itoobiya.

Related posts

Guddiga Doorashada Federaal Oo Isku Khilaafay Habraacii Doorasha Ee Lasoo saaray Maanta.

Heemaall

Penny Mordaunt Oo Isku Shaaca Ka Qaaday Damaceega.

Heemaal

QM Oo Puntland kala Hadashay Xuquuqda Maxaabiista Iyi Xukunada Dilka ah

Heemaall