Heemaal News Network
somali

Diyaaradaha Dagaalka Masar iyo Faransiiska Oo Dhoolatus Sameeyey.(Sawiro)

Diyaaradaha Dagaalka dowladaha Masar iyo Faransiiska ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolo tus ay kusoo bandhigayeen awoodooda, waxa ayna diyaaradahan hawada sare ku sameeyeen dhoolo tusyo cajiib ah ay ku jiraan shidaal siin ah.

Dhoolo tuskan ay sameeyeen ciidamada cirka Masar iyo kuwa Faransiiska ayaa waxaa ka qeyb qaatay noocyada Diyaaradaha Dagaalka ee heestaan dalalkaasi oo kala ah Mirage 2000, Rafale iyo F-16.

Afhayeenka Milliteriga ee dalka Masar ayaa sheegay in dhoolo tuskan yimid iyadoo la raacayo Jadwalka Shaqo ee lagu xoojinayo Iskaashiga Milliteriga ee u dhaxeeya dowladaha Masar iyo Faransiiska.

Dowlada Masar ayaa mudooyinkii dambe waday dhoolo tusyo ay kusoo bandhigeyso awoodeeda, waxa ayna dhoolo tusyadan imaanayaan xili Masar uu khilaaf ka dhashay buuxinta biyo xireenka Wabiga Niil kala dhaxeeyo dowlada Itoobiya.


Related posts

Al Shabaab Oo Shaacisay in Dib ula Wareegeen Deegaanka Booco (Sawiro)

Heemaall

Qarax Qasaare Sababay Oo Ka Dhacay Boosaaso

Heemaall

Taliban Oo Balan-qaad U Sameysay Dadkii la Shaqeeyey Ciidanka ka Baxaya Afghanistan.

Heemaall