Donald Trump Oo Donald Yamamoto U Magacaabay In Uu Noqdo Safiirka Cusub Ee USA U Fadhiyaya Soomaliya

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa danjire cusub u soo magacaabay Soomaaliya,kaas oo lagu magacaabay Donald Yamamoto
Trump ayaa sidoo kale magacaabay Danjiraha Mareykanka ee dalka Nicaragua,waxaana lagu sheegay in ujeedada magacabistan ay tahay sidii loo buuxin lahaa safaaradaha banaan ee uu Mareykanka ku leeyahay waddamada kale ee Caalamka.
Danjiraha cusub ee uu Mareykanka u soo magaacabay Soomaaliya waxaa uu horay safiir uga soo noqday Dalka Itoobiya intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2009kii,waxaa kale oo uu danjire ka noqday dalka Jabuuti oo uu ka shaqeynayay intii u dhaxeysay 2000 ilaa 2003dii.
Mar waxaa uu ka tirsanaa waaxda wasaaradda arrimaha dibadda qeybteeda Afrika,waxaana uu bilo ka hor isaga oo wafddi hoggaaminaya booqasho ku tagay dalka Jabuuti,Eritrea iyo Itoobiya.
Dhinaca kale Kevin Sullivan ,ayaa loo magacaabay danjiraha Mareykanka ee Nicaragua,iyada oo todobaadkii la soo dhaafay Mareykanka cuna qabateyn saaray saddex shaqsi oo u dhashay Dalkaasi
safiiradda dalalkana ayaa ahaa kuwo horay isku casilay , iyaga oo sheegay in ay la shaqayn karayn Trump.

© Heemaal News Netwok