Heemaal News Network
somali

Dowlada Azerbaijan Oo Maxaabiis Dagaal Armenia Uga Bedelatay Xog Sirdoon.

Dowlada Azerbaijan ayaa 15 maxabuus dagaal ku wareejisay dalka Armenia iyadoo celinta maxbiistaasi uu gacan ka geystay dalka Mareykanka.

Maxabiistaasi ayaa gacanta Azerbaijan ku jiray bilooyin kaddib marki dagaal qaraar uu labada dal dhexmaray.

Labada dal ayaa sanadki hore ku dagaallamay gobolka Nagorno-Karabakh dagaalkaasoo soo dhammaaday 7 bilood ka hor markii looga adkaaday Armenia.

Azerbaijan ayaa Armenia maxaabiistaasi uga beddelatay khariidad miinooyin lagu aasay aagga Agdam oo ka mid ah dhulki ay dagaalka ku qabsatay Azerbaijan iyadoo miinooyinka xilliga dagaalka la aasay ay dhimasha iyo dhaawacba u geysteen shacab aad u badan.

Related posts

Puntland Oo Shaacisay In Cudurka Covid Uu Sare U Kacay Deegaanadeeda.

Heemaall

Go’aano Laga soo Saaray Shir Dawlada Dhexe iyo Maamul-goboleedyada Uga Socday Garowe.(Sawirro)

Heemaall

Uhuru Kenyatta Oo U Dardaar Wariyey Soomaaliya

Heemaal