Heemaal News Network
somali

Dowlada India Oo Amar kama Denbays ah Dul-dhigtay Shirkadda Twitter.

India ayaa sheegtay in shirkadda twitter-ku ay haysato fursaddii ugu dambaysay ee ay ugu hoggaansamayso xeerarka cusub ee technology-yadda caalamiga ah ee dalkaasi uu soo rogay.

Xeerarkan ayaa looga golleeyahay in shirkadaha baraha bulshadu ay noqdaan kuwo lagula xisaabtami karo qoraallada ay tiraan.

Dowlada India ayaa shirkadda twiter-ka uga fadhida inay soo magacaabato qof masuul ah oo shirkaddaas u qaabilsan wax ka qabashada cabashooyinka ka jira gudaha dalka Hindiya.

Waxay sheegeen in haddii shirkadda twitter-ku ay arrintaas u hoggaansami waydo ay la kulmi doonto cawaaqib aan la mahadin.

Shirkadda Twitter ayaa waayadaanba la daalaa dhacayey dagaal uga imaanayey dhanka xukuumadda Narendra Modi ayadoo maamulkuna uu codsanayey in shirkaddu ay qaaddo tallaabooyin hoos loogu dhigayo qoraallada ka dhan ah dowlada ee dhaliilaha xambaarsan.

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble Oo Mashaariic ka Dhagax-dhigay Magaalada Kismaayo.(Sawirro)

Heemaall

Dhaq-dhaqaaq Ciidan Oo Dhan ah Ahlu Sunna Oo ka Socda Caasimada Galmudug

Heemaall

Somaliland delegates Elect First Six senators in Mogadishu

Heemaall