Heemaal News Network
somali

Dowlada Itoobiya Oo Eedeyn U Jeedisay Hay’addaha Gargaarka.

Dowlada Itoobiya ayaa ku eedeesay qaar kamid ah hay’addaha gargaarka in hub sharci daro ah galinayaan gobolka colaada ka aloosan tahay ee Tigrey, xili gobolkaasi laga soo sheegayo xaalad bini’aadanimo oo aad u liidata.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah hay;adaha gargaarka in ay isku dayayaan in ay hub sharci daro ah galiyaan gobolka Tigrey.

Waxa uu ugu baaqay wasiirka hay’adaha iyo shaqsiyaadka kale in ay faraha kala baxaan arimaha Itoobiya, waxa uuna xusay in Itoobiya ay ka walaacsan tahay olole ka dhan ah sida ay ula tacaaleyso xaaladda gobolka Tigraay.

“Waa wax aad looga walaaco in qaar kamid ah xubnaha beesha caalamka ay bilaabeen olole ay ku wiiqayaan midnimada, madaxbanaanida iyo isku duubnimada iyagoo ku marmarsiinyo ka dhiganayo inay wadaan gargaar banii’aadanimo,toobiya waxay heysaa caddeymo muujinaya inay isku dayayeen in hub si sharci darro ah ay ku siiyaan kooxaha argagixisada ah iyagoo ku marmarsiiyoonayo gargaar banii’aadanimo, arrintaasina lama aqbali doono” ayuu yiri Wasiirka arimaha dibadad Itoobiya.

Hadalka kasoo yeeray wasiirka arimaha dibadda Itoobiya ayaa kusoo aadaya xili gobolka Tigrey ka jirto macluul xoogan oo ka dhalatay colaadaha gobolkaasi ka aloosan, waxaana adag in gar gaar la gaarsiiyo dadka dhibaatada heesato.

Related posts

Xaalad Deg-deg ah Oo Lagu soo Rogay Magalada Lod Ee Israa’il

Heemaall

Xukun Lagu Riday Ganacsato Keenay Muqdisho Kiimiko Laga Sameeyo Qaraxyada.

Heemaall

Jubbaland Iyo Puntland Oo War-Saxaafadeed Wadajir ah kasoo Saaray Shirkii Lagu kala Kacay.(Akhriso)

Heemaall