Heemaal News Network

Dawlada Oo Diwaan-galinaysa Qoysaska ay ka Taageeraso Saamaynta Ayaxa(Sawiro)

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal ku jooga Puntland, ayaa maanta booqday deegaannada uu saameynta ka geystay Ayaxa ee gobolka Nugaal.

Wasiirka ayaa sidoo kale tagey goobo ay ka socotay diiwaangelinta Qoysaska uu saameeyay Ayaxa, kuwaaso taageerro ka helaya Dawladda.

“Waxaan u nimid halkan si aan u oggaano sida ay ku socoto diiwaangelinta Qoysaska uu saameeyay Ayaxa ee beeralayda ah,kuwaaso qeyb ka ah Qoysas ay Dawladdu taageerro dhaqaale oo soo kabasho ah siin doonto.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Jibagale ee hoos taga degmada Garoowe.

Duraan Axmed Faarax, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay inay Dawladda ka go’antahay sidii dhaqso looga jawaabi lahaa xaaladaha deg degga ah oo uu ka mid yahay Ayaxa oo saameeyay beeralay badan.

Qoysaska uu saameeyay Ayaxa ee ku nool in ka badan 40 degmo oo dalka oo dhan ah ayaa lacag caddaan ah muddo lix bil ah ka heli doona mashruuca ka jawaabaya saameynta Ayaxa ee Baxnaano oo qeyb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Mashruucan waxaan u daba galeyna si uu guul ugu dhammaan lahaa xilliga loogu talagalay,cidda ku habboona ay uga faa’iideysan lahayd, waa arrin suragalinaysa taageerro ballaaran inay helaan dadkeenna nugul iyo kuwa xaaladaha deg degga ay soo food-saaraan.” ayuu ku daray.

Related posts

Uk Oo Lagu Xidhay Kalkaaliso Caafimaad Oo Loo Haysto Dilka 8 Caruur Ah

Heemaal

Twain Oo U soo Direysa Somaliland Gargaar iyo Koox Khuburo ah

Heemaall

Galmudug Oo ku Baaqday In la Taageero Howlgalka ka Socda Gobolka Tigrey

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More