Heemaal News Network

Dowlada Oo Shaacisay Korodhka ku Yimid Kiisaska Cudurka Covid 19 Ee Somaliya.

Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in kiisaska laga diiwaan galiyey dalka ee cudurka COVID-19 ay kordheen labadii bilood ee la soo dhaafay.

Wasiirka Wasaarradda caafimaadka Dowladda Soomaaliya marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in 1-da ilaa 31-da January iyo 1-da ilaa 11-da February ee sanadkan lagu ogaaday in xaaladaha ay kordheen 52%, dhimashaduna ay siyaaday, taas oo muujinaysa sida uu u soo labakacleeyey cudurka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa shegtay in Bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay ku baraarugaan khatarta cudurka, ayna sare u qaadaan heerka taxadarkooda, iyagoo maraya dhammaan talooyinka caafimaad ee looga hortago cudurka ama loo dajiyey qofka lagu arko astaamaha uu leeyahay.

Wasiirka ayaa intaa ku dartay in ay diyaariyeen qorshe bulshada lagula wadaagayo xogta xaalada cudurka, islamarkaana sare loo qaaday awoodda baaritaankiisa, iyadoo shirkado gaar loo leeyahay la siiyeey ogolaanshaha baaritaanka cudurka, si adeegga bulshada loo fududeeyo, maadaama qofka dalka ka dhoofaya looga baahan-yahay inuu haysto shahaadaha baaritaanka COVID-19.

Tallaalka cudurkan oo ay ansixisay hay’adda WHO ayeey sheegtay in uu Soomaaliya soo gaarayo, kaas oo wax ka tari kara xakamayntiisa, iyadoo intaa ku dartay in baaritaan dheeraad ah lagu samaynayo nuuca cudurka oo Soomaaliya kiiskii ugu horreeyey laga diiwaan galiyey March 2020 in isbadal uu ku dhacay iyo in kale.

Tirada guud dadka cudurka laga baaray 24 saac ayaa dhan 1,529 qof, waxaana laga helay 90-ruux, iyadoo kiisaska cudurka ee wadanka ay marayaan 5,273, waxaa ka bogsooday 3,750 halka dhimashada guud ahaan ay marayso 154 qof.

Related posts

Trump: Afarasanno Kadib Ayaan Is Arki Doonaa

Heemaal

Alshabaab Oo Fageere Ku Toogtay Dad Ay Ku Eedeeyeen In CIA La Shaqaynayeen

Heemaal

Guddiga Lagu Muransan yahay Ee Doorashooyinka Oo War Cusub soo Saaray.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More