Heemaal News Network
somali

Dowlada Oo si Rasmi ah Muqdisho Uga Bilaawday Tallaalka Chine Ee COVID 19.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda xukuumadda xilgaarsiinta ayaa maanta si Rasmi ah u daah furtay Tallaalka SINOPHARM ee Dawladda China ugu deeqday Dawladda Soomalia, kaas oo malmo ka hor la soo garsiiyay Magaalada Muqdisho.

Tallaalka SINOPHARM ayaa ka mid ah Tallaalada ka hortaga Caabuqa COVID-19 ayaa soo gaaray Gudaha Dalka Soomaaliya maalintii Axada oo taariikhdu ku beegneyd 11.04.2021, waxaana maanta lagu bilaabay mas’uuliyiin dowladeed.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Axmad Xuseen Macalin Iyo Safiirka dawladda China u fadhiya Soomaliya Qin Jian, ayaa maantay si rasmi ah u qaatay Tallaaka ka hortaga COVID-19. waxa sidoo kale qaatay Tallaalka qaar ka mid ah agaasimayaasha Wasaaradda arimaha Dibadda iyo shaqaalaha ka hawlagala Safaaradda Shiinaha.

Wasiir ku xigeenka Waasaradda Caafimaadka ayaa u jeediyay Dawlada China Mahadcelin balaaran oo ku aadan sida Dawladda Shiinaha ay ugarab taagantahay Dawladda Soomaaliya iyo gacanta weyn ay ka geesteen sidii looga hortagi lahaa cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Related posts

Boqor Salman Oo Xil Sare U Magacaabay Wiilkiisa iyo Xubno kale Oo Reer Boqor ah

Heemaall

Akhriso Liiska Wakhtiga Kalfadhiga Golayaasha Cusub Ee Somaliland

Heemaal

Muqdisho:-Gabar 11 Jir la La’aa Maalmo Oo Maanta Meydkeeda Laga Dhex-Helay Digsi Lagu Riday.

Heemaall