Heemaal News Network
somali

Dowlada Oo War kasoo Saartay Duqeyn Maanta Laga Fuliyay Galmudug.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Dawladda Federaalka Somalia ayaa lagu sheegay in ciidamada Danab iyo xulufada Somalia ay khasaare u geysteen Al-shabab.

War-xafaadeedka oo ku taariikhaysnaa 23ka bishan July ayaa lagu sheegay in duqeyn xagga cirka ah lala beegsaday xoogaga Al-shabaab ee ku sugan inta u dhaxaysa deegaanada Qaycad iyo Xarardheere ee dawlad-goboleedka Galmudug.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in weerarka oo ahaa mid aan bartilmaameedka seegin uu naafeeyey Al-shabab, hubkoodiina burburiyey, iyada oo dadka shicibka ah aanay waxba ka soo gaarin.

Maraykanka ayaan weli ka hadlin duqeyntan uu maanta ka geystay degaanada Galmudug oo noqoneysa tii labaad ee uu Somalia ka fuliyo maamulka Madaxweyne Biden.

Related posts

Aqoonyahan Reer Awdal ah Oo ka Hadlay Turkiga Iyo Isbadalka ka Socda Dunida.

Heemaall

Ciidamada Yurub Oo ka Hadlay Weerar Burcad Badeedka Somaliya ku Qaadeen Markab Ganacsi.

Heemaall

Somaliya Oo si Adag Uga Hadashay Dadka Xooga Looga soo Masaafuriyey Somaliland

Heemaall