Heemaal News Network

Dowlada Oo War kasoo Saartay Khasaaraha Qaraxii Caawa ka Dhacay Muqdisho.

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerar ismiidaamin ah oo caawa lagu qaaday maqaayada Jelato Divino ee kutaala wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qaraxaasi ismiidaaminta ah ay ku dhinteen sideed qof sidoo kale ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, waxaana dadka qaraxa ku dhintay u badnaayeen dhalinyaro.

Wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa tacsi tiiraanyoi leh u diray eheladad dadkooda ku dhintay, waxa uuna caafimaad u rajeeyay dadka dhaawacmay, isagoona xusay in dowlad garab siin doonto dadka dhaawacyada qaba.

Halkan ka Akhriso

Related posts

Madaxweyne Farmaajo Oo ka Digay Dhageysiga Shisheeyaha Ee Arimaha Somaliya.

Heemaall

Trump Oo Jeediyey Khudbadii Ugu Horaysay Aqalka Cad Ka Dib

Heemaal

Safaaradda Somaliya Ee Nairobi Oo Shaqoo Joojin Samaysay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More