Heemaal News Network
Soomaaliya

Dowlada Somaliya Oo Baadi-goobaysa Dadii la Kulmay Ninkii Laga Helay Caronavirus.

Dowlada Soomaaliya ayaa baadi goob ugu jira dadkii la kulmay ama u dhawaaday ninkii dhawaan dibadda ka yimid ee laga helay Caabuqa Caronavirus, ninkaas ayaan wali ku jira xaalad karaantiil ah.

Wasiirka caafimaadka xukuumada Soomaaliya Fowsiya Nuur Abiikar ayaa Idaacada BBC-da u sheegtay in la baadi goobayo dadkii la kulmay ruux Soomaali ah oo dhawaan yimid magaalada Muqdisho lagana helay caabuqa Caronavirus.

“Waxaa la raadinaya oo lagu daba jiraa..muwaadinkii koowaad markii laga helay..cid alaale ciddii la fadhiday diyaaradda ama u dhaweyd ama xiriir toos ah la sameysay…arrintaas wey socotaa waxaa naga kaalmeyneysaa WHO” ayay tiri wasiirka caafimaadka .

Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay dadkii la kulmay ninka laga helay Caronavirus ay u safreen qaar kamid ah gobolada dalka , waxa ayna Wasiirada dadkaasi kula talisay in ay is xakameeyaan isna karaantiilaan.

“Dabcan dadkii diyaaradda la soo raacay muwaadinka meelo badan ayay dalka ka tageen gobollada dhexe iyo Koonfurta..waa la wada wacaya, waa la raadinaya , waxaa lagula talin doonaa inay is xakameyaan oo ay si iskood ah isu karantiilaan” ayay tiri Fowsiya .

Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay 16-kii bishan in qof ka yimid dalka dibadiisa laga helay caabuqa Caronavirus, hasa ahaatee dowlada ayaan karantiil ku sameyn dadkii diyaarada kula soo safray iyo kuwii la kulmay ruuxa laga helay Caronavirus.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More