Dowlada Somaliya Oo Ciidan Kumandoos ah U Dirtay Xadka ay la Wadaagto Kenya.(Sawiro)

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo hor leh ka dejisay degaano ka tirsan Gobolka Gedo, kuwaasoo la sheegay inay ka mid noqon doonaan Ciidamada ilaalinaya Amniga xaduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada oo ka tirsan Guutada 17aad ee Kumandooska Gorgor ayaa ka degay Garoonka Dayuuradaha Degmada Dollow, waxaana la sheegay inay ku wajahan yihiin degaananda xadka degmooyinka Beled xaawo & Ceelwaaq, iyagoo sii mari doona dhinaca dhulka.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Gorgor, Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida ee degmada Doolow Cabdulaahi Cumar Cilmi & xubno kale ayaa ciidamadan ku soo dhoweeyey garoonka dayuuradaha Doolow.

Daabulida Ciidamadan ayaa u muuqata iney jawaab u tahay hanjabaad iyo digniin dhowaan ka timid dowladda Kenya tasoo ay ku sheegtay in ciidamadeeda jooga xadka ay qaadi doonaan talaabo adag hadii mar kale shaqaaqo ay ka dhacdo xadka labada dal.

Sidoo kale daabulida ciidamadan ayaa sii hurin doonta khilaafka u dhexeeya DF iyo dowlad Goboleedka Jubbaland ee la xiriira arrimaha maamulka gobolka Gedo, iyadoo madaxda Jubbaland ay marar badan dalbadeen in ciidamada DF laga saaro gobolkaas, maamulkiisana iyaga lagu celiyo.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy