Heemaal News Network
somali

Dowlada Somaliya Oo ka Hor-timid in AMISOM la Socoto Dhaq dhaaqa Ciidankeeda.

Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid go’aankii dhawaan kasoo baxay Golaha amniga & nabadgalyada Midowga Afrika oo ciidamada AMISOM faray in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa ciidamada dowlada xiligan kala guurka ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xil. Cabdifitaax Qaasim ayaa si adag uga hor yimid go’aanka kasoo baxay Midowga Afrika, waxa uuna xusay in AMISOM aysan xaq u laheyn la socodka dhaq dhaqaaqa ciidamada Soomaaliya.

Waxa uu Wasiirka sumcad dil ku tilmaamay go’aankaasi kasoo baxay Golaha amniga & nabadgalyada Midowga Afrika, waxa uuna cadeeyay in dalabka go’aankaasi aysan aqbali doonin isagoona ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen dowladi uusan magacaabin.

“AU-da waxa ay soosaartay in Ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidanka Soomaalida, Ciidamadii aan rabnay in ay ka madax-bannaanaadaan miyaa la hoos geynayaa, shaqadoodu waa in ay ilaaliyaan xarumaha Dowladda, Madaxda & la dagaalanka Argagixisada, ma dareymeysaan in Dowladaha qaar ee deriska ah ee aan dareyneen in ciidan xooggan ay dhisato Soomaaliya in ay ka dambeeyaan” Ayuu yiri Wasiir Qaasim.

Go’aankan kasoo baxay Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisaho ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay mudo kordhinta Dowlada sameesatay, iyadoona laga cabsi qabo in dowlada awood u adeegsato ciidamada qalabka sida.

Related posts

Maydka Nin U Dhashay Mareykanka Oo Laga Helay Hotel ku Yaal Addis Ababa

Heemaall

Somalida Iyo Canfarta Oo ku kala Kacay Shir Lagu Xalinayay Colaada ka Dhex-taagan

Heemaall

Afgambi Militari Oo ka Dhacay Dalka Guinea.(Sawiro)

Heemaall