Heemaal News Network

Dowlada Turkiga Oo Gacanta ku soo Dhigtay 82 Askari Oo Lagu Raad-joogay.

Sida ay werisay Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu Dowlada Turkiga ayaa gacanta ku soo dhigtay 82 askari oo hor leh, kuwaasoo lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin wadaadka la yiraahdo Fatxullah Gullen.

Askartan ayaa waxaa lagu tuhmayaa inay si weyn ugu lug lahaayeen Afgembigii fashilamay ee dalkaasi ka dhacay bishii July ee sanadkii 2016-kii, waxaana dowladda Turkiga ay wali baadi goobeysaa qof walba oo dhacdadaasi ku lug ahaa.

Dacwad oogaha gobolka ku yaalla xeebta galbeed ee Izmir ayaa wakaallada wararka Tarkiga u sheegay in ay qaadi donaan tilaaba kale oo ay ku soo xirayaan in ka badan 848 askari oo ay ku jiraan saraakiil militeri, kuwaasoo wali ay laamaha ammaanku ay ku raad joogaan.

Howgalkaani lagu soo qabtay askarta ayaa waxaa uu ka dhacay 39 gobol oo ka tirsan dalka Turkiga, waxaa kaloo howgalkaas lagu soo xirxiray 63-qof oo kale oo shacab ah, sida ay tabisay Aanadol.

Related posts

Gudoomiyaha Cusub Ee Solja Oo Fariin U Diray Warbaahinta Somaliland Ee Cabanaysa.

Heemaall

Jim Langevin: Amarka Trump Waa Isku Dhiibis Alqaacida Iyo Hadyad Shiinaha Loo Siiyey Soomaaliya

Heemaal

Ciidamo Nolosha ku Qabtay Dhagar-qabe Qaraxyo ku Aasayay Wadooyinka.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More