Heemaal News Network

Dowladda Afghanistan Iyo Kooxda Taliban Oo Gaaray Heshiis Nabadeed.

Wafuudda dhinacyada isku haya Afghanistan ayaa ku dhawaaqay inay ku heshiiyeen hannaanka wada-hadallooda nabadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka daba dheeraday ee dalkaas ka socda.

Dowladda Mareykanka oo garwadeen ka ah geeddi socdka nabadeed ee Afghanistan ayaa soo dhoweysay heshiiska kaas oo horumar ballaaran u ah wadaxaajoodyada nabadeed ee u dhexeeya kooxda Taliban iyo wakiillo ka socda dowladda Afghanistan

Howlsha ayaa waxaa ku jira in la dhameystiray faahfaahinta hor dhaca ah ee wadahalka, waxii hadda ka dambeeyana loo gudbayo in laga wadahadlo ajandaha ay labada dhinac isla meel dhigeen sida lagu sheegay war qoraal ah oo sida wajadir ah usoo saareen.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu hambalyeeyay kooxda Taliban iyo dowladda Afghnasitan dadaalkooda iyo ka go’naanshahooda inay helaan wax guud oo ay ku midoobaan.

Pompeo ayaa ku sharraxay bayaan uu soo saaray in heshiiska uu qeexayo hannaanka iyo shuruucda labada kooxood ay ku wadaxaajoonayaan

Waxuu intaasi ku daray in go’aannada lagu gaaray heshiiska ay hagi doonaan wadaxaajoodyada tubta siyaadadda iyo in la gaaro is faham xabad joojin ah.

Wadaxaajodka Nabadda ee Afghanistan ayaa bishii September ka billowday magaalada Doha dalka Qatar iyadoo rajo weyn laga qabay in lagu heshiiyo, laakiin khaliaafkooda ku aaddan sida loo ambaqaadayo wadahalka ayaa istaajiyay wadaxaajoodka iyadoo labada dhinac uu midba kan kale kuu eedeynayay ismari waaga.

Related posts

Jamhuuriga Aqalka Senateka Maraykanka Oo Trump ka Difaacay Dacwadii Lagu soo Oogay.

Heemaall

RW Rooble Oo la Kulmay Guddiga Doorashooyinka ay Qaadaceen Musharixiinta.

Heemaall

Dawlada Soomaliya Oo Gabi Ahaanba Xidhiidhkii U Jartay Dalka Kenya

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More