Dowladda Cuba oo Oo War kasoo Saartay Dhaqaatiir Laga-ga Afduubtay Somaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Cuba Bruno Rodriguez ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad dadaalka ay dowladdiisu ugu jirto dammaanad-qaadka soo celinta labo dhakhtar ee u dhashay Cuba oo in ka badan sannad ka hor laga afduubay Kenya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Cuba oo qadka taleefanka kula hadlay dhigiisa Cawad, ayaa uga mahadceliyey madaxda Soomaalida taageerada ay muujiyeen, wuxuuna muujiyey sida Cuba ay u dooneyso inay xoojiso xiriirka labada dal.

Dhakhaatiirtan Cuba ayaa la afduubay 12-kii Abriil, 2019 iyagoo ka shaqeynayay Kenya, tan iyo xilligaas dowladda Cuba waxay xiriir joogto ah la lahayd labada dal Kenya iyo Soomaaliya.

Assel Herrera, oo ah khabiir ku takhasustay Cilmiga Daawada Guud kana soo jeeda gobolka Las Tunas, iyo Landy Rodriguez, oo ah dhakhtar qalliin oo ka socda Villa Clara (dhexda), waxay ka mid ahaayeen howlgalka caafimaadka ee Cuba ee Kenya.

Sida lagu sheegay warbixinnada saxaafadda, waxaa si gaadmo ah u afduubay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyagoo la aaday dhulka ay xukumaan.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy