Heemaal News Network

Dowladda Kenya Oo ka Hadashay Go’aankii Somailaya ku Eriday Safiirkoodii.

Dowladda Kenya ayaa war ka soo saartay go’aankii dowladda Soomaaliya ay dalkeeda uga saartay safiirkii Kenya Lucas Tumbo oo lagu amray in uu dalkiisa dib ugu laabto.

Macharia Kamau xoghayaha joogtada ah ee Wasaarradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Kenya siweyn uga xun tahay tallaabada Soomaaliya ay dalkeeda uga saartay safiirkii Kenya, isaga oo sheegay in Kenya dib u eegis ku sameyn doonto arintan si xal looga gaaro.

Kamau ayaa yiri “Waxaa qaadi doonaa talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo wanaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal”

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa xumaa xiriirka labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku eedeysan Kenya fara-galin arrimaha gudaha ah gaar ahaan deegaannada Jubbaland oo Kenya ay ka joogaan ciidamada qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Related posts

Dabley In ka Badan 100 Qof ku Dishay Tuulo ku Taala Galbeedka Itoobiya.

Heemaall

Siyaasiyiinta kasoo Jeeda Somaliland Oo ku Biiray Shirka Musharixiinta Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xubnaha K/Galbeed ku Matala Guddiga Doorashooyin Oo Baydhabo U Tagay Bilawga Doorasho Cusub.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More