Heemaal News Network
somali

Dowladda Oo Amartay in la Joojiyo Dood loo Qaban Lahaa Musharaxiinta Madaxweynaha

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu amray in la joojiyo dood musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha u qaban laheyd Hey’adda Somali Debates.

Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay in hay’adda dooda qabaneysa tilmaantay aysan heysan ruqsad iyo sharciyad ah oo ay ku qabato dooda Warbaahineed, waxa ayna wasaaradda amartay in aan doodaasi la qaban karin.

“ Wasaaradda Wartaafinta, Dhaqanka lyo Dalxiisku waxay uga digaysaa Semall Debates iyo kuwa lamidka ah inay ka waantoobaan falalka noocaas oo kale ah sidoo kale saaxiibada Caalamka oo ay ugu horeeyaan ATMIS iyo UNSOM inaanav kala shaqeyn howlaha Warbaahinta cid aan fasax ka wadan Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku wargelisay Hay’adaha amniga iyo Booliska Gobolka Banaadir in ay ka gutaan waajibkooda shago lagana joojiyo Barnaamijyadaas ay wadaan ilaaa inta ay kahelayaan sharci ay wax ku tebin karaan.

Related posts

Madaxweynayaasha Galmudug Iyo K/Galbeed Oo Iska Fogeeyay inay Boobeen Doorashada

Heemaall

Somaliland Oo Maxkamado Caalami ah U Gudbisay Dooda Madax-banaanideeda

Heemaall

Muhaajiriin Soomaaliyeed Ku Dhibaataysay Xeryaha Magafayaasha Liibiya

Heemaall