Heemaal News Network
Soomaaliya

Dowladda Oo Muqdisho ku Gubtay Jaad si Koontarabaan ah Looga keenay Kenya.

Wasaaradda Gadiidka Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gubtay Jaad la isku dayey in si qarsoodi lagu soo geliyo dalka , Jaadka la gubay ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gadiidka XFS Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay in ay gubeen Jaad si qaldan loo soo geliyey Dalka , Wasiirka ayaa xusay in jaadkan la isku dayey in lagu soo dhax qariyo Fasixii dulimaadka labada maalin ahaa ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa qaar kamid ah garoomada Caalamka.

Horay ayey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u xaqiijisay in fasaxa labada maalin ah aan la ogoleyn in lasoo dajiyo Xamuul aan ahayn Raashin iyo Dawo , iyadoo sidoo kale xustay in la karantiili doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka imaanayo dalalka uu saameeyey Caabuqa Convid19.

Jaad (Qaadka) maanta lagu gubey Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho ayaa dowladu sheegin halka laga keenay,hayeeshee Wararka Risaala ay heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in laga keenay dalka Itoobiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More