Heemaal News Network
somali

Dowladda Oo Saxiixday Heshiis Tallaalkii Labaad Lagu keenayo Somaliya.

Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kulane, oo , ayaa la saxiixday hishiis talaalka looga hortago cudurka COVID-19 shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.

Talaalkan looga hortagayo Karoonaha ayaa waxa uu gaaraya 200 kun oo talaal oo dhawaan la keeni doono dalka Soomaaliya

Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in talaalkan ay dowladda aan saaxiibada nahay ee Shiinaha ay dalkeena ugu deeqday.

Safiirka ayaa uga mahadnaqay dowladda shiinaha sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo si gaarana uga mahadceliyay talaalka ay Soomaaliya ugu deeqeen.

Related posts

Akhriso:-Magacyada Xubnaha Aqalka Sare Loogu Doortay Baydhabo.

Heemaall

Iska Horimaad Hor Leh Oo Dhex-maray Ciidamada Armenia iyo Azerbaijan.

Heemaall

Ciidamadii Mucaardka Oo Xukuumada Soomaliyaa Cafis Ka Dalbaday

Heemaal