Heemaal News Network
somali

Ciidamada Oo Burburiyay Goob Qaraxyo Lagu Diyaariyo soona Bandhigay Agab iyo Xubno.(Sawiro)

Ciidanka Xoogga Dalka somaliyeed ayaa hawlgalki qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen degaanka mubaarak oo ka tirsan gobolka shabeellaha Hoose , halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa inay degaan kaas ka saaraan Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen Xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka ay sidoo kale ku burburiyeen Goobo ay Al-Shabaab ku diyarinayeen waxyaabaha qarxa , sidoo kalena ay u yaleen dawooyin iyo agab kale kuwaasoo dhamaantood lasoo qabtay islamarkaana ciidamadu ay soo bandhigeen sawirada agabkaasi la qabtay

Dhinaca kale Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay iney ku guulaysteen soo qabashada xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumanayey degaanka Mubaarak.

Madaxii Maaliyada degaanka Mubarak u qaabilsanaa Al-shabaabm oo magaciisa lagu sheegay Abuu Salmaan ayaa ka mid ah xubnaha ciidamada DF sheegeen iney qabteen.

Related posts

Golaha Wakiilada Somaliland Oo ka Dooday Xeerka Furista Ururada Siyaasada.

Heemaall

Xukumada Somaliya Oo Wax la Aqbali karin ku Tilmaantay in la kala Diro Hay’adaha Dowlada.

Heemaall

Dagaal Mar-kale Dhexmaray Ciidamada Ismaamulka Somalida Iyo Kuwa Canfarta

Heemaall