Heemaal News Network
somali

Dowladda Somalia Oo Shuruud ku Xirtay Inay Mashaariic ka Fuliso Dowlad-goboleedyada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudah Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mashaariida horumarineyd ay ka fulineyso goobaha dadka degan ay iska xureeyaan ururka Al-Shabaab ee kuyaalla Gobolada dalka.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay dileen dadkii hoggaanka iyo hal doorka u ahaa dadka kunool Gobolka Hiiraan, hayeeshee hadda ay heystaan fursad ay ugu aarudaan mas’uliyiinii ay ka dileen Ururka Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi wuxuu hadalkiisa uu inaasi kudaray in bulshada kunool Gobolka Hiiraan & guud ahaan Soomaaliya looga baahan yahay inay tartan u galaan sidii dagaal looga qaadi lahaa Ururka Al-Shabaab, isla markaana dadkii degaannadooda ka saara dowladda Soomaaliya ay ka bilaabi doonto adeegyada caafimaadka iyo wixii kale oo ay u baahan yihiin.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudah Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kusoo aadaya xilli degaano iyo degmooyin katirsan gobolka iiraan ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo degaanka ah oo is abaabulay, kuwaas oo garab ka helaya Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Related posts

Khilaaf ka Dhex-qarxay Madaxweynaha Galmudug Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Heemaall

Somaliland Oo soo Bandhigtey Ciidan iyo Gaadiid Ay Puntland Ka Qabsadeen

Heemaall

Imaaraadka Carabta Oo loo Fasaxay Filimada Anshax Xumada

Heemaall