Heemaal News Network

Dowladda Somaliya Oo Deeq Raashin ah Gaarsiiyay Degmada Diinsoor.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa safar kooban oo u jeedkiisu ahaa garab istaaga dadka danta yar ku tagay Degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa seddex diyaaradood oo waday deeq raashin ah oo ka kooban labaatan tan, isla markaana ay si wadjir ah ugu deeqeen Wasiirka iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) gaarsiiyay dadka shacabka ah ee ku dhibaateysan Degmada Diinsoor ee gobolka Baay oo ay go’doomiyeyn kooxda nabadiidka ah ee Al-Shabaab.

Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo dadka danta yar garsiiyay raashin isugu jira Bariis, Sonkor, Bur iyo Saliid ayaa ku baaqay in la garab istaago dadka reer Diinsoor oo uu sheegay inay u baahanyihiin gargaar dhab ah, maadaama ay ka jiraan xaalad beni’aadannimo.

Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Cabdisalaan Xaaji Siidow iyo qaar ka mid ah qoysaska danyarta Deegaanka ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wasiirka, deeqdan raashinka ah oo ay sheegeen inay kusoo aaday xilli aad loogu baahnaa.

Dhinaca kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa kulan la qaatay saraakiisha AMISOM iyo Ciidamada Daraawiishta Koonfur galbeed kuwaas oo dowaladda Soomaaliya ka codsaday in la qarameeyo oo ay xuquuq yeeshaan, Wasiirka ayaana dhankiisa ciidamada ku booriyay dadaallada nafhurnimada leh oo ay ku difaacayaan dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa aragtidooda iyo baahiyaha jira ka wareystay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Diinsoor, wuxuuna u ballanqaaday inuu baahiyahooda u gudbin doono Madaxda sare ee dalka.

Related posts

CXDS Oo Soo Afjaray Weerarkii Lagu Qaaday Huteel Afrik

Heemaal

Sheekh Shariif Oo Muddo Kororsi Uga Digay Madaxda ku Shiraysa Dhuusamareeb.

Heemaall

Jabuuti Oo Cambaareeysay Jabhad Weerartay Saldhiga Ciidanka Tajoora Ee Dalkaasi Jabuuti.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More