Heemaal News Network

Dowladda Somaliya Oo Dibu Dhaca Doorashada ku Eedeyay Qaar kamid ah Dowlad-goboleedyada.

Wasiirka warfaafinta dowladda federalka Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah dowlad goboleedyada in ay masuul ka yihiin dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta oo ka qeyb galayay kulan dood wadaag ah oo arrimaha doorashada looga hadlayay, ayaa sheegay dowladdu in ay ka la’dahay qaar kamid ah dowlad goboleedyada in ay soo buuxiyaan xubnihii guddiyada doorashada ee laga sugayay.

“Gaabis kaste oo ku yimaada doorashada, xukuumadu wax lug ah kuma lahan sidii loogu talo galay ayay u maareeysay, ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa kusoo beegmaya, iyadoo kowda december ay ku beegan tahay xilligii lagu heshiiyay in ay dhacdo doorashada aqalka sare.

Khilaafka ka taagan guddiyada doorashada ayaa Qatar ku ah in ay doorashada ku qabsoomto waqtigii loogu talo galay.

Dowladda iyo dhinacyada mucaaradka ayaa isku eedeeynaya inuu kan kale masuul ka yahay in doorashada waqtigeeda ku dhici weydo.

Related posts

Alshabaab Oo Fageere Ku Toogtay Dad Ay Ku Eedeeyeen In CIA La Shaqaynayeen

Heemaal

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo si Rasmiya ah Xadhiga Uga Jaray Laab Lagu Baadhi Doono Biyaha.

Heemaall

Taliska Booliiska Oo ka Hadlay Khasaaro ka Dhashay Qarax ka Dhacay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More