Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Warsaxaafadeed kasoo saartay dagaalka ka socda Waqooyiga dalka Itoobiya ee u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF ,kaas oo sababay geerida Boqolaal qof iyo barakaca kumanaan kale.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay taageero ugu muujisay dowladda federaalka Ethiopia oo dagaal kula jirta xisbiga TPLF ee xukuma gobolka Tigrayga.
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa inay ku garab taagan tahay dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuuriga ah, iyo ixtiraamka midnimada dhuleed ee Ethiopia.”
Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay taageereyso midnimada Ethiopia in wada-hadal lagu dhammeeyo dagaalka, iyadoo intaasi ku dartay, in ayada oo ah dal deris la ah dalka Ethiopia, ay diyaar u tahay inay taageeradeeda ku biiriso sidii dagaalka loo soo geba-gebeyn lahaa.