Heemaal News Network
Soomaaliya

Dowladda Somaliya Oo Qalabka ka Hortaga COVID-19 Gaarsiisay Deg. Badhan Ee Gobolka Sanaag

Magaalada Baran (Badhan) ee Gobolka Sanaag waxaa Maanta dowladda Soomaaliya ay gaarsiisay diyaarad sida qalab looga hortagga Cudurka Safmareenka ee Coronavirus.

Diyaaraddan oo ka ambabaxday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la socda Xubno ka socda Dowladda Somaaliya,waxana qalabka ay ku wareejiyeen Maamulka degmada Badhan.

Deeqdaan Agabka ah ayaa qeyb ka ah kaalmo bilow ah oo ay dawladda Federaalka kahirgalin doonto bilaha soo socda Dhahar, Badhan iyo Buuhoodle kuna kacaysa 12Malyan oo Dollar.

Maalin ka hor ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in Madaxda sare ee Puntland ay kasoo horjeesteen in dowladda Soomaaliya ay diyaarad sida Agab geyso Magaalada Badhan,iyaga oo aan soo marsiin,hayeeshee ugu dambeyn la xaliyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More