Heemaal News Network
somali

Dowladda Somaliya Oo War kasoo Saartay Geerida Abwaan Sooraan.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geeriday Majaajiliiste Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo ka mid ahaa jilayaasha caanka ah, kaas oo ku geeriyooday magaalada Burco.

Eebbe ha u naxariisto Hal abuurkii, fannaankii iyo jilaagii weynaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle oo ku geeriyooday Burco, Sooraan waxa uu ka mid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan..

Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Dhinac kale Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Obokor Dubbe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka.

“Ilaahay ha u naxariisto waxa goor dhoweyd Magaalada Burco ku geeryooday fannaankii, hal abuurkii iyo jilaagii hal-doorka ahaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle. Waxan ka tacsidaynaa ehelkiisii, qaraabadii iyo bahda fanka Soomaaliyeed oo uu muddo dheer ka tirsanaa. Ilaahay ha u naxariisto Sooraan” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Related posts

Ninkii Abaabulay Dilkii Madaxweynhihii Haeyti Oo La Qabtay

Heemaal

Raysal Wasaare Rooble Oo la Kulmo ka Wada Mombasa.(Sawirro)

Heemaall

Wasiiro ka kala Socda Dalalka Iskhilaafsan Ee Masar Iyo Turkiga Oo Wada-hadlay.

Heemaall