Heemaal News Network

Dowladda Somaliya Oo Xareysay Guddiyada Doorashooyinka ay Dhawaan Magacaawday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xareysay Guddiga Doorashada heer Federaal, Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland, kuwaasi oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegaya in xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee 2020/2021 ee dowladda Federaalka la dejiyay Hotel gaar ah oo ku dhex yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Guddiyadan ayaa inta ay ku jiraan Hotelka waxay qaadan doonaan tababaro la xiriira nidaamka doorashada, sameynta habraacyada doorashada iyo dhaqan gelinta qodobada heshiiskii siyaasaddeed ee doorashada.

Si kastaba Guddiyan ay xareysay Dowladda ayaa si weyn uga soo horjeeystay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku jiraan Madaxweyneyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Sh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale oo badan, iyagoona tilmaamay in xubno ku jira Guddiyada ay ka tirsan yihiin Hay’adda NISA

Related posts

Toos U Daawo Ciyaarta Gabilay Iyo Xaysimo.

Heemaall

Mustafe Cagjar Oo War kasoo Saaray Dagaalka ka Socda Gobolka Tigreega

Heemaall

Shirka G2o Oo Maanta Ka Furmaya Dalka Sacuudiga

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More