Heemaal News Network

Dowlada Somaliya Oo Xiisada ka Taagan Baladwayne kala Shirtay Maamulka Hir-Shabeelle

Wasiirka arrimaha gudaha dib-u-hishiisnta iyo federaalka ee dowladda Soomaaliya Generaal Mukhtar Xuseen Afrax ayaa kulan is xogwareysi ah la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida gaar ah ciidamada xooga dalka,kuwa Booliska maamulka gobolka hiiraan iyo kan degmada Baladweyne.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada ka taagan magaalada baladweyne iyo sidii lays kaga kaashan lahaa nabadda iyo xasiloonida .

Generaal Mukhaar ayaa warbixin ka dhageystay laamaha amniga waxaana uu ku xoojiyay in muhiimada koowaad in la siiyo amaanka iyadoo la kaashanayo bulshada.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sidooo kale waxa uu kormeeray qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Baladweyne.

Dhinaca kale shir maanta ay yeesheen wasiirka Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax iyo odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa laysku raacay in maalinta berri ah ay shirka kusoo biiraan madaxda hirshabeelle ee ku sugan magaalada Baladweyne gaar ahaan madaxdweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo guddoomiyaha barlamaanka Hirshabeelle Dr-Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Muxumad.

Related posts

Bobi Wine: Ma Aqbalayo Natiijadda Doorashada

Heemaal

Qaadlayaasha Kenya Oo Sheegay Inay soo Foodsaartay Rajo Xumo ka Dhalatay Xiriirka Somaliya U Jartay.

Heemaall

Itoobiya Oo Qabatay Madaxweynihii Gobolka Tigree Iyo Ku Xigeenkiisii

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More