Dowladda Turkiga Oo Xukun Xabsi ah ku Ridday Askari ka Tirsanaa Milatariga England.

Maxkamad ku taalla Dalka Turkiga ayaa Toddoba Sana iyo Bar Xabsi ah ku ridday, Askari horay ugu tirsanaa Ciidamada Difaaca Dalka Ingiriiska, markii lagu eedeeyay inuu Gacan saar la leeyahay Ururka YPG oo ay horay Dowladda Ankara u mabnuucday.

Joe Robinson, ayaa la xiray July 2017-kii, markii lagu helay inuu Sawirradiisa la wadaagay xubno ka tirsan Jabhaddaasi oo fariisin ku leh Dalka Suuriya,sida ay sheegtay DHA news agency.

Askarigan hore oo 25 jir ah kana kasoo jeeda Magaalada Leeds, ee Waqooyiga Dalka England ayaa la xiray xilli uu Turkiga ku joogay fasax.

© Heemaal News Netwok