Heemaal News Network
somali

DP World Oo Jabuuti ku Eedeysay Inay oo ku Xadgudubtay Heshiis Caalami ah Oo ay Horey Ula Gashay

Shirkadda DP World ayaa maalin ka hor shaacisay in maxkamad ku taal London ay xukuntay in dowladda Jabuuti ay ku xadgudubtay heshiis ay la gashay oo ku aaddaa qeybta Container-rada ee dekedda Dooraaleh.

Shirkadda ayaa sheegtay in hadda wixii ka dambeeya ay dacwad sharci ku soo oogi doonto dowladda Jabuuti si ay u hesho xaqeedda.

Abubakar Cumar Xaddi oo ah madaxa marsooyinka Jabuuti ayaa ka hor inta uusan soo bixin go’aanka maxkamadda sheegay in arrinta DP World ay ka weyn tahay dekadda.

Dowladda Jabuuti ayaa horay uga baxday heshiiskii ay la gashay DP world ka dib markii uu khilaaf soo gala dhex galay.

Shirka DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa maalgashi ku sameysay dekeddaha ku yaalla geeska Afrika sida Berbera iyo Boosaaso oo ay hadda gacanta ku heyso.

Related posts

Raisal Wasaarihii Suudaan Oo Xilka Dib Ugu Soo Noqonaya

Heemaal

Xukuumada Biixi Oo Mamnuucday Banaanbax laga Qabto Somaliland.

Heemaall

Alshabaab Oo Hub Ka Qaadatay Saldhig Ay Leeyihiin Ciidamada Jubbaland

Heemaal